237 Views

Wasiirka gaashaandhigga oo sheegay in ciidankan dalka dib loogu soo celiyay qeyb ka noqonayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee dalka ka socda.

Wasiirka gaashaandhigga   oo sheegay  in ciidankan dalka dib loogu soo celiyay qeyb ka noqonayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee dalka ka socda.
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 21, 2022

Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga soo dejiyay qeybtii ugu horeesay ciidamo dowladda tababar ugu dirtay dalka Eritrea , waxaana ciidankan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta Muqdisho laga soo dejiyay qaar kamid ah ciidankii tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidanka kale ee ku maqan dalka Eritrea dalka kusoo laabanayaan maalmaha soo socda, waxa uuna cadeeyay in ciidankan dalka dib loogu soo celiyay qeyb ka noqonayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee dalka ka socda.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna xusay in ciidamada dalka lagu soo celiyay dhabar jab weyn ku tahay Al Shabaab iyo kooxaha nabadda kasoo horjeeda.

Ciidamadan tababarka ugu maqnaa dalka Erutrea ee maanta magaalada Muqdisho laga soo dejiyay iyo kuwa maalmaha soo socda imaanaya ayaa kusoo aadaya xilli dalka qeybo kamid ah ka socdaan howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post