1515 Views

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo ballanqaad u sameeyay Kooxda Macawuusley.

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 21, 2018 –Taliyaha qaybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiil Ciidan oo la socoto ayaa tagay Deegaanada Gobolka Shabeelaha Dhexe ay kaga sugan yihiin Kooxda la magac baxday Macawuusley ee la dagaalanta Al-Shabaab.

Deegaanada Taliye Maxamuud Koronto uu tagay waxa ay hoos tagaan Degmada Cadale oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen Kooxdaan iyo Al-Shabaab.

Sareeyo Guuto Maxamuud Maxamed Macalin Koronto Taliyaha qaybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee ka howlgala Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegay in ay gacan siinayaan Kooxdaan.

Waxa uu ka dalbaday in ay sii kordhiyaan Dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, maadaama uu sheegay in Xoolahooda iyo Ceel biyoodyadooda ay ka ceshanayaan.

Ciidamada ayuu sheegay in ay la howlgali doonaan, hubka iyo saanadda ay u baahdaanne uu taliska diyaar u yahay in uu siiyo.

Sababta ayuu ku sheegay in ay Aqoon dheer u leeyihiin Deegaanada ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab, sidoo kalena aan jirin Dan ka fogeyneysa in Ciidamada Dowladda ay dhexgalaan.

Sareeyo Guuto Maxamuud Koronto ayaa tilmaamay in la is bari Doono Ciidamada Dowladda ee ka howlgala Deegaanada Hir-Shabeelle iyo Kooxda Macawuusley, taliska Ciidanka Xoogga Dalkane ay ku wargeliyeen in Xuquuq lasiin doono, sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiil katirsan Kooxda macawuusley ee ka dagaalanka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in si iskood ah ay isku abaabuleen, kadibne ay go’aan ku qaateen in ay la dagaalamaan Al-Shabaab.

.Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment