780 Views

Ciidamadii Mareykanka iyo kuwa Nato oo isaga baxay saldhigga Bagram ee dalka Afghanistan

Ciidamadii Mareykanka iyo kuwa Nato oo  isaga baxay saldhigga Bagram ee dalka Afghanistan
____________________________________________________________________________

Sabti: July 3.  2021

Ciidamadii ugu dambeeyay ee Mareykanka iyo kuwa Nato ayaa isaga baxay saldhigga Bagram ee dalka Afghanistan, oo muddo 20 sano ah xarun u ahayd dagaalka ka dhanka ah kooxda Taliban.

Arrintan ayaa calaamad u ah inay soo dhowaatay dhammeystirka in gebi ahaanba ay ciidamada shisheeye isaga baxaan dalkaas.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay dalkaasi ka wada bixi doonaan wixii loo gaaro 11 September.

Balse ka bixitaanka ciidamadan ee saldhiggan muhiimka ah, ayaa ku soo aadeysa xilli kooxda Taliban ay isku ballaarinayaan qeybo badan oo ka tirsan Afghanistan.

Waqtiga kama dambeysta ah ee 11 September waa sanad-guurada weerarradii Mareykanka lagu qaaday sanadkii 2001, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 3,000 oo qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post