687 Views

Guddiga kala qeybsan ee gobolada Waqooyi oo maanta doorasho galaya

Guddiga kala qeybsan ee gobolada Waqooyi oo maanta doorasho galaya
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 07, 2021 —4 kamid ah Xubnaha Guddiga Doorashada ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee uu soo magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aanay ka qaybgelayn Doorashada guddoonka guddiga hirgalinta Doorashadaa oo la sheegay iney ka dhacayso teendhada Afisiyoone ee Magaaladda Muqdisho.

Xubnahaan ayaa sheegay in guddigaan markii hore uu ku yimid wadahadal, islamarkaana ay ogol yihiin in ay is doortaan kaliyah Siddeed xubnood oo laga saaro Saddexdii xubnood ee ka yimid dhanka xafiiska Rooble.

Garabka uu hoggaaminaayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay galabta in maanta ay dhici doonto doorashada Guddiga doorashada ka dib markii uu amray Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.

Khilaafka ka taagan labada dhinac ayaa xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in guud ahaan uu kasoo horjeedo doorashada maanta lagu waddo in ay ka dhacdo Muqdisho, islamarkaana ay tahay mid baalmarsan Sharciga.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post