3396 Views

Faroole “Yaan lagu mashquulin Madaxweynaha ladoortay…”

Faroole “Yaan lagu mashquulin Madaxweynaha ladoortay…”
____________________________________________________________________________

Garowe | February 16, 2017 – Xildhibaan C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe, ayaa Madaxda Madasha ugu baaqay in aanay ku mashquulin Madaxweynaha cusub ee la doortay, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

DHAGEYSO

Xildhibaan C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud, ayaa waxaa uu Madaxda Madasha uu ugu yeeray in fursad Madaxweynaha Somaliya loo siiyo uu ku soo xusho Ra’iisal Wasaarihiisa.

Isagoo saakay ka tagey Magaalada Muqdisho, ayuu sababta uu uga soo tagey waxaa uu ku sheegay in dad culeys ku haaya awgood, aanay u isticmaalin in uu fara-geliyo cidda uu soo magacaabayo Madaxweynaha.

C/raxmaan Sheekh Maxamed, ayaa tilmaamay in uu ku sii nagaan doono Garoowe inta laga soo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha, lagana soo xulayo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda.

Xildhibaan C/raxmaan Faroole oo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Garoowe, ayaa shacbiga Somaliyeed ugu baaqay in ay taageeran Madaxweynaha cusub, iyadoo aanu buurnayn dhaqaalaha ay haysato dowladda.

Wuxuu intaa ku daray Dowladda Dhexe Somaliya in aanu ku filnayn dhaqaalaha ka soo xarooda Dekeda Muqdisho, sidaasi daraadeedna aan loo baahnayn in Madaxweynaha lagu fara-geliyo cidda uu soo magacaabi doono, lana rabo in la iimaansado cidda uu soo xusho.

Ugu dambeyn, C/raxmaan Faroole, ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada ugu baaqay in ay u adeegan bulshadooda ay abaaruhu halakeeyeen, oo aanay ku mashquulin shaqada Madaxweyne Farmaajo.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment