1149 Views

Jubbaland oo beenisay War kasoo baxay mid ka mid ah Musharixiinta

Jubbaland oo beenisay War kasoo baxay mid ka mid ah Musharixiinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 27, 2019–Maalma ka hor Ciidamo ilaalo u ah Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig kana mid ah musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ay soo saareen miino lagu aasay meel u dhow hoyga uu ka degan yahay Magalada Kismaayo,waxaana qaraxaas miino uu ku sheegay mid siyaasadeysay.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in qaraxaas uu ahaa mid abaabulan oo ay ka dambeeyaan dad xildoon ah kana tirsan Maamulka Jubbaland iyo laamaha amniga,hayeeshee waxaa warkaasi beenisay Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland.

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Korneel Maxamed Naasir Guuleed ayaa sheegay in Ciidamada Jubbaland ay soo qabteen Miino lagu aasay Xaafada Farjano taas oo la doonayay in Shacabka lagu dhibaateeyo.

Waxa uu sheegay in Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig oo ah Musharax Madaxweynaha Jubbaland uu u gefay laamaha Amniga,isla markaana aan waxba ka jirin hadalkii uu horay u sheegay ee ahaa in qaraxaasi lagu aasay meel u dhow Hooygiisa uu ahaa mid la soo abaabulay,sidoo kalena uu ka mid dhigayo ol olihiisa Siyaasadeed.

Si kastaba musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ee qaarkood xilligaan ku sugan Magalada Kismaayo aaya cabasho badan waxaa ay ka muujinayaan  Madaxda ugu sareysa Jubbaland,iyada oo ay xusid mudan tahay in todobadyo ka hor Garoonka Kismaayo ay ku dagaalameen Ciidamo uu wato Musharax Cabdi Naasir Seeraar iyo Ciidamada Jubbaland ee ilaalada ka ah Garoonka Kismaayo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment