834 Views

Kenya oo sheegtay inay qabatay hub iyo rag watay

Kenya oo sheegtay inay qabatay hub iyo rag watay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 22 2021–Taliska ciidamada Dambi Baariska dalka Kenya ayaa boggooda Facebook ku shaaciyay in xalay ay gacanta ku dhigeen labo nin, hub iyo gaari ay wateen.

Howl-galkan ayaa ka dhacay magaalada Isiolo.

Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayey magacyadooda ku kala sheegeen Cabi Fataax Ibraahim iyo Yuusuf Maxamed.

Hubka la qabtay ayaa isugu jiray qori AK47 ah, 128 wareeg oo rasaas ah iyo labo gambo oo nooca gacanta laga tuuro ah.

“Baaritaan ayaa lagu wadaa labada la tuhunsane, waxaana kiiskooda gacata ku haya laamaha burburinta bambooyinka iyo la dagaallanka argagixisada ee booliska,” ayaa lagu yiri qoraalka lasoo dhigay Facebook.

Taliska Dambi baarista ayaa sheegay in ciidan joogay waddo ay ka shakiyeen labo gaari oo noocoodu yahay Toyita Probox, markii ay damceen in ay istaajiyaanna ay ka carareen.

Waxay intaas ku dareen in ay rasaas soo fureen dadkii saarnaa gawaarida laga shakiyay, ciidankuna ay rasaas ugu jawaabeen, ugu dambeynna labo nin oo mid ka mid ah gawaarida saarnaa is dhiibeen, halka gaarigii kalena ay u suuragashay in uu baxsado.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post