942 Views

Beesha Caalamka oo shuruud hor-dhigtay Axmed Madoobe

Beesha Caalamka oo shuruud hor-dhigtay Axmed Madoobe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 12, 2019–Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Kismaayo ku sugnaa Xubno ka socda Beesha Caalamka,kuwaas oo kulamo xasaasi la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Siyaasiyiinta ka aragtida duwan ee ku sugan Kismaayo.

 

Kulankii ugu dheeraa ayaa Xubnaha Beesha Caalamka waxaa ay la qaateen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyaga oo kala hadlay khilaafka kala dhaxeeya dowladda iyo kuwa ka aragti duwaniyo  in xal loo helo Arrimaha Jubbaland.

Xildhibaan Xasan Cabdi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland ayaa beeniyey Warar maalmihii la soo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafinayay oo ahaa in Beesha Caalamka Axmed Madoobe ka dalbadeen in doorashada markale dib loogu celiyo.

 

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Xubnaha Beesha Caalamka ay Axmed Madoobe ka dalbadeen in uu wada-hadal la furo Dowladda Federaalka,isla markaana wada-shaqeyn la bilaabo cidii kale ee waxtabaneysana la qanciyo.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay u sheegtay inaysan aqoonsaneyn doorashadii ka dhacday Kismaayo ee uu kusoo baxay Axmed Madoobe,waxaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo saartay hab raac ku aadan doorasho kale oo la qabanayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment