1887 Views

Soomaaliya oo daahfurtay Hab-Raaca Daneeyayaasha Badqabka Saxafiga

Soomaaliya oo daahfurtay Hab-Raaca Daneeyayaasha Badqabka Saxafiga
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | 22 April 2018 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yooniis, ayaa maanta daahfuray Hab-Raaca qaran ee Badbaadinta Saxafiga, oo ah kii ugu horeeyay ee laga hirgaliyay dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

Mudane, Cabdiraxmaan ayaa tallaabo guul ah ku tilmaamay go’aanada ka soo baxay shirka muddada labada maalmood u socda daneeyayaasha badbaadinta saxafiyiinta, waxayna go’aan ka gaareen qaab-dhismeedka, howlaha iyo maamulka guddiga horkacaya Hab-Raaca.

Daneeyayaasha ka socday Warbaahinta, dowladda, ururada xuquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka, ayaa maalmihii Sabtida iyo Axadda ee 21 iyo 22 April 2018 ku kulmay magaalada Muqdisho si ay u abuuraan Hab-Raaca qaran ee badbaadinta saxafiyiinta.

Kulankta, oo ay qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, oo ay taageerayaan UNESCO iyo hey’adaha caalamiga ah ee caawiya Soomaaliya ururka ay ku midoobeen ee Taageerada Warbaahinta Soomaaliya (SMSG). Waxay jawaab ka soo saareen qaabka loola tacaali karo dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ee aan loo ciqaabin ciddii ka dambeysay.

Kulanka labada maalmood, ayaa qeybaha warbaahinta ee dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayen waxay ka tashteen sida ugu wanaagsan ee loo abuuri karo Hab-Raac ah ku dhan yihiin dhamaan daneeyayaasha badqabka saxafiga iyo sidii dowladda looga taageeri lahaa la tacaalidda arrimaha la xiriira tallaabo ka qaadis la’aanta dambiilayaasha aan la ciqaabin ee geysta dambiyada lagula kaco saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Kulanka, ayaa si wadar-ogol ah ugu codeeyay in la sameeyo Guddiga Qaran ee Xiriirinta howlaha Badqabka Saxafiga, oo ka koobnaan doona 11 xubnood oo loo qeybsanayo sida soo socota:

4 xubnood, waxay matalayaan dowladda.
4 xubnood, waxay matalayaan warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo ururadooda.
3 xubnood, waxay matalayaan ururada bulshada.

Dhinaca maamulka guddiga, waxaa guddoonka qabanaya Guddoomiye ka socda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Guddoomiye ku xigeen, waxaa ka noqonaya xubin ka socda ururada bulshada, iyadoo Xoghayaha Guud uu qaban doono xubin ka socda ururada warbaahinta dalka. Go’aanada guddiga waxaa si wadajir ah u gaaraya sadexdan xubnood. Ugu yaraan sadex xubnood oo dumar ah, ayaa la go’aamiyay in ay ku jiraan guddiga ka kooban 11-ka xubnood.

Howsha guddiga, ayaa kulanku isku raacay in ay ka mid noqon donaat:

La socoshada xaaladda amni ee saxafiyiinta Soomaaliyeed
Diiwaangalinta saxafiyiinta
Taageerada saxafiyiinta
U doodidda xuquuqda saxafiga
Abuuridda Telefoon ay toos u soo wacaan saxafiyiinta qatartu soo wajahdo.
Abuuridda santuuqa badbaadinta saxafiga.
Uruurinta taageerada bulshada iyo dhiirigalinta warbaahinta.
Bilaabidda barnaamijhyo wacyigalinta ee saxafiyiinta
Daabacaadda Buug-yaraha Badbaadada Saxafiga.
Abuuridda Nidaam sharci ee Badbaadada saxafiga.
Kobcinta aqoonta saxafiyiinta.
Baaridda dambiyada loo geysto saxafiyiinta.
La socodka iyo qiimeynta howlaha saxaafadda

Kulanka, ayaa isku raacay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay qaadato mas’uuliyadda isugu yeeridda kulamada daneeyayaasha badqabka saxafiga iyo sidoo kale Guddiga Qaranka ee Xiriirinta badqabka saxafiga.

Daahfurka kulanka Daneeyayaasha badqabka saxafiga ee Soomaaliya, ayaa ka dhashay Go’aanada bishii November 2017 lagu gaaray magaalada Nairobi Declaration, kuwaas oo qodobadii ka soo baxay ay ka mid ahaayeen sameynta nidaamka xiriirinta daneeyayaasha badqabka saxafiga oo ay ka mid ahaanayaa sadexda qeybood ee dowladnimada (Fulinta, Sharci-dejinta iyo Maxkamadaha) iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee warbaahinta ee u xilsaaran ilaalinta iyo difaaca xoriyatul-qowlka, xoriyadda saxaafadda, helitaanka xogta iyo badbaadinta saxafiga ee dalalka si waafaqsan sharciyada qaran, gobol iyo cahdiyada caalamiga ah sida qaraarkii 29 ee Shirkii Guud ee UNESCO kulankii 29-aad ee ka dhacay magaalada Paris bishii November 1977, kaasoo Agaasimaha Guud ee UNESCO ku cambaareeyay xadgudubka ka dhanka ah weriyayaasha dalalka xubnaha ka ah; iyo in la helo goob cilmiga iyo la xisaabtanka.

amaanka-suxuufiyinta-10 amaanka-suxuufiyinta-5 amaanka-suxuufiyinta-8 amaanka-suxuufiyinta-3 amaanka-suxuufiyinta-9 amaanka-suxuufiyinta-6 amaanka-suxuufiyinta-7 amaanka-suxuufiyinta-4 amaanka-suxuufiyinta-1 amaanka-suxuufiyinta-2

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment