1896 Views

Diyaarad kusoo dhacday Nigeria

Diyaarad kusoo dhacday Nigeria
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jan 03 2019 —Ciidanka cirka ee Nigeria ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradahooda qumaatiga u kaca ee la dagaallamaya xooggaga Boko Xaraam ay ku soo dhacday waqooyi bari dalkaasi.

Diyaaradda ayaa soo dhacday gelinkii dambe ee shalay xilli uu dagaal culus degaankaasi ku dhexmarayay milateriga Nigeria iyo dagaallamayaasha Boko Xaraam.

War qoraal ah oo uu soo saaray ciidanka cirka ee Nigeria ayaa lagu sheegay in diyaaraddaasi ay hawada ka taageeraysay ciidamada dhulka ee Boko Xaraam kula dagaallamaya degaanka Damasak oo u dhaw xuduuda uu dalkaasi la leeyahay Niger.

Sababta keentay in diyaaradda ay soo dhacdo iyo faahfaahinta dadka saarnaa ayaan horay laga shaacin.

Milateriga Nigeria ayaa dhawaan xoojiyay duulaanka cirka iyo dhulka ah ee uu gobolkaasi ka wado, ka dib markii ay isa soo tareen weerarrada ay geysanayaan Boko Xaraam iyo dagaallamayaasha daacadda u ah ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment