909 Views

Trump oo ka hadlay xaaladda Kim Jong-un

Trump oo ka hadlay xaaladda Kim Jong-un
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 24 2020–Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu weriyeyaasha u sheegay in uu ka war hayo xaaladda uu ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay xaaladda caafimmaad iyo halka uu ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.
Trump wuxuu sheegay in wax faahfaahin ah uusan ka bixin karin xaaladda Kim Jong Un balse uu ku rajo weyn yahay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.
Wararka la isladhexmarayo ee ku saabsan Kim ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sanad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada aabihii oo ku beegneyd 15-kii bishan April.
Kim Jong-un waligiis kama uusan baaqanin munaasabadda xuska aabihiis – wayna iska muuqatay inuusan si sahlan u go’aansan karin inuu ka qeyb gali waayo.
Wakaaadda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo xog ogaal ah ayaa maalmo kahor kusoo warrantay in Dowladda Shiinaha ay khubaro caafimaaad u dirtay Kuuriyada Waqooyi. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu weriyeyaasha u sheegay in uu ka war hayo xaaladda uu ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay xaaladda caafimmaad iyo halka uu ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.

Trump wuxuu sheegay in wax faahfaahin ah uusan ka bixin karin xaaladda Kim Jong Un balse uu ku rajo weyn yahay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Wararka la isladhexmarayo ee ku saabsan Kim ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sanad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada aabihii oo ku beegneyd 15-kii bishan April.

Kim Jong-un waligiis kama uusan baaqanin munaasabadda xuska aabihiis – wayna iska muuqatay inuusan si sahlan u go’aansan karin inuu ka qeyb gali waayo.

Wakaaadda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo xog ogaal ah ayaa maalmo kahor kusoo warrantay in Dowladda Shiinaha ay khubaro caafimaaad u dirtay Kuuriyada Waqooyi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment