1944 Views

Madaxweynaha dalka Afghanistan oo xabad joojin ku dhawaaqay

Madaxweynaha dalka Afghanistan oo xabad joojin ku dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 20, 2018 – Madaxweynaha dalka Afghanistaan Ashraf Ghani  ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin ay shuruud ku xiran tahay oo lala galo kooxda Taliban,si loo nabadeeyo dalkaasi,islamarkaana loo bad baadiyo dhiiga shacabka,isagoo xusay in Xabad joojintaani ay billaabanayso inta aan lagaarin munasabadda ciidda.

Waxaa la filayaa in Xabad joojinta uu ku dhawaaqay madaxweyne Ghani ay socon doonto muddo saddex billood ah,taasi oo shaki laga muujinayo in kooxaha Taalibaan ay hirgelin doonaan iyo in kale,maadaama weli aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay kooxda Taliban.

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Janaraal Jens Stoltenberg ayaa soo dhaweeyay xabbad joojinta uu soo bandhigay Mr Ghani,isagoon muujiyay in ay tahay mid bad baado u ah shacabka,sidoo kalena Mr Stoltenberg wuxuu ugu baqaay kooxda Taliban in ay xushmeeyaan xabbad joojinta uu iclaamiyay madaxweynaha wadankaasi Ashraf Ghani.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray magaalada Ghazni iyo meela kale oo dalkaasi ka tirsan,dagaal xoogan oo u dhexeeyey Taalibaan iyo ciidamada Dowladda oo taageero ka hela gaashaan buurta NATO.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment