579 Views

Ciidanka Danab oo howlgal kula wareegay deegaano ka tirsan Gobolada Sh/Hoose & Baay

Ciidanka Danab oo howlgal kula wareegay deegaano ka tirsan Gobolada Sh/Hoose & Baay
____________________________________________________________________________


Axad: May 1, 2022

Ciidanka kumaandooska Danab gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad waxaa ay howlgal ka dhan ah Ururka Al-shabaab ka sameeyeen deegaano ka wada tirsan Gobolada Shabeellada Hoose iyo Baay.

Ciidanka ayaa si gaar ah howlgalka ugu sameeyay deegano hoostaga Leego iyo Jameeco oo ka tirsan gobolada Shabeellaha Hoose & Baay. Iyadoo ujeedka howlgalka ee Ciidamada uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo.

Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaano hoostaga Leego iyo Jameeco oo ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Baay, iyagoo sheegay inay la wareegeen deegaanadaas.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay inay halkaas ka sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo ay ka sameenayaan degaannada iyo degmooyinka labada Gobol ee Shabeellaha Hoose iyo Baay ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannadaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post