1266 Views

SAWIRO:-Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyey Waddo aan la marin 7 Sano

SAWIRO:-Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyey Waddo aan la marin 7 Sano
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2019–Ciidanka Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ayaa Howlgalo qorsheysan ka fuliyay Wadada isku xirta Magaalada Marko, Nambar 50, Laanta Buure iyo Muure oo aan lamarin mudo kudhow 7sano.

 

Howlgalkan ayaa ujeedkiisa ahaa furitaanka Wadadaasi oo Al-shabaab ay ku aaseen Miinooyi,isla markaana mararka qaar ay weeraro ka fulin jireen,sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka..

Inta uu Howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo saaray dhowr Miino oo oo wadada lagu aasay,si aysan waxyeelo ugu geysan Shacabka wadadaasi ku socdaalaya.

 

Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali Axmed (Gaashaan)  oo howlgalka horkacayay ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in Wadada isku xirta Marko, Afgooye ilaa Muqdisho ay Howlgalo ay kasameeyeen ku guuleysteen haatana nadiif ay tahay islamarkaasna shacabka Soomaaliyeed ay si Nabad ah ugu safri karaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment