267 Views

Hogaamiyayaasha Tigrayga oo sheegay in ciidamadooda aysan hubka dhigi doonin

Hogaamiyayaasha Tigrayga oo  sheegay in ciidamadooda aysan hubka dhigi doonin
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 23, 2022

Hogaamiyayaasha Tigrayga ayaa sheegay in ciidamadooda aysan hubka dhigi doonin ilaa dadka degan gobolka waqooyi ee Itoobiya laga damaanad qaadayo ammaankooda.

Hub ka dhigista ciidamada iyo kooxaha maleeshiyada waxay qayb muhiim ah ka ahayd heshiiskii nabadeed ee ay dawlada iyo kooxda TPLF kala saxeexdeen 2-dii November.

Labada hogaamiye ee ugu sareeya xisbiga Tigray ee TPLF ayaa ku eedeeyay ciidamada Eritrea inay wali dhaqdhaqaaq ka wadaan waqooyiga Itoobiya halkaas oo ay ka geysanayeen tacadiyo.

Arintan ayay sheegeen in ay ku adkaatay Ciidamada TPLF in ay hub ka dhigis ku sameeyaan.TPLF oo shuruud cusub ku xirtay inay hubka dhigaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post