1986 Views

Gabadhii 3aad oo ardeyad ahayd oo lagu dilay Muqdisho

Gabadhii 3aad oo ardeyad ahayd oo lagu dilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 01, 2018 —Shalay gelinkii dambe waxaa  Degmada Yaaqshiid ee Muqdisho lagu dilay Caasho Cabdi  Saneey  oo ahayd 14 jir dhiganeysay Dugsiga sare ee Al Fajri .

Waxaa dilkeeda geystay Rag watay Mooto Fekon ah oo doonayay in ay ka dhacaan Taleefanka Gacanta ee ay wadatay.

21kii Bishii September  waxaa Xarunta Jaamacadda Soomaaliya ee Baar-Ubax lagu dilay Amino Xuseen Xasan, oo Rag hubeysan ay fasalka ugu galeen halkaasna ku toogteen.

18kii September iyadana la dilay Deeqo Daahir Caga-dahab oo Gaariga Dugsiga Hoyga Xamar oo ay la socotay uu Rasaas ku furay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Dhamaan dilalkaas waxaa ay dhaceen xilli Duhur ah, Deeqo oo ka mid ahayd Ardeyda Hoyga Xamar waxaa la dilay iyada oo ka baxday Iskuulka una socotay Guriga iyada oo saaran Gaariga Iskuulka ee geyn lahaa Gurigeeda,falkaas waxaa loo xiray Askar ka mid ah dowladda oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen.

Amina ,waxaa la dilay xilli Duhur ah iyada oo ku jirta Fasalka,waxaana loo xiray Barihii Fasalka xilligaas ku jiray iyo qaar ka mid ah ilaalada Jaamacadda.

Sidoo kale Caasha ayaa la dilay iyada oo ka baxday Dugsiga  Al-Fajri,kuna sii socotay Gurigeeda iyada oo dowladda aysan ilaa hadda sheegin cid ay u qabatay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment