801 Views

Midowga yurub oo ku boorriyay Britain inaysan ka bixin tallaabooyinkii ay ku ogolaatay heshiisyadii Brixe

Midowga yurub oo ku boorriyay Britain inaysan ka bixin tallaabooyinkii ay ku ogolaatay heshiisyadii Brixe
____________________________________________________________________________

June 13 2021

Khilaaf u dhexeeya Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo salka ku haya heshiisyada ganacsiga ee Brexit ee Waqooyiga Ireland ayaa sii xumaanaya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Dominic Raab, ayaa ku eedeeyay in xaqiiqooyinka Midowga Yurub ay ula dhaqmayaan Waqooyiga Ireland ay tahay sidii inay yihiin dal ka go’an Ingiriiska intiisa kale.

Faransiiska ayaa diiday warar ay qoreen saxaafadda Ingiriiska oo sheegayay in madaxweyne Macron uu arintan sameeyay, intii lagu guda jiray wadahadalkii gaarka ahaa ee uu la yeeshay ra’iisul wasaare Boris Johnson Sabtidii.

Midowga yurub ayaa ku boorriyay Britain inay ku taagnaato talaabooyinkii ay ku ogolaatay heshiisyadii ka bixitaanka Britain ee midowga yurub, oo aysan si keligeed ah u kordhin muddooyinkii ka reebitaanka waqooyiga ireland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post