957 Views

Dowladda Somalia oo ka fikireysa Xayiraadda laba dal oo Carona laga helay

Dowladda Somalia oo ka fikireysa Xayiraadda laba dal oo Carona laga helay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isiin  , March 16, 2020 —Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka fikirayaan in go’aan dhinaca socdaalka ah laga qaato dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo deris la’ah Soomalaiya,kuwaas oo laga helay cudurka Caronavirus.

 

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin oo la hadlay Voa-da ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan qorsho ay uga hortagayaan cudurka Caronavirus si loo badbaabdiyo Shacbaka Soomalaiya.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in Maanta ay yeelanayaan shir deg deg ah oo ay uga hadlayaan waxa xiga maadaama shalay ay xayiraad saareen dadka ka imaanaya Afar dal oo ah kuwa ugu daran ee uu Caronavirus saameyn weyn ku yeeshay.

 

Waxaa uu sheegay inay siweyn uga fikirayaan in xayiyaraad saaraan dadka ka imaanaya dalalka Itoobiya iyo Kenya oo Cuudrka laga helay balse aysan ku deg degeyn maadaama weli uu ku cusub yahay,waxaana uu cadeeyey inay awood u leeyihiin inay duulimaadyada ka imaanaya wadamada Cudurka laga helay ay joojiyaan.

 

Qoraal kasoo baxay halay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu joojiyey dadka ka imaanaya Afar dal oo uu siwyen u saameeyey Cudurka Carona,iyada oo horey loo karantiiley Afar muwaadin oo ka yimid wadanka Shiinaha.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment