819 Views

Ciidamada ammaanka Sudan oo sunta dadka ka ilmaysiisa ku riday dibadbaxayaasha dimuquraadiyadda taageera

Ciidamada ammaanka Sudan oo sunta dadka ka ilmaysiisa ku riday dibadbaxayaasha dimuquraadiyadda taageera
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

Ciidamada ammaanka Sudan ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa ku riday dibadbaxayaasha dimuquraadiyadda taageera oo isugu soo baxay caasimadda dalkaas ee Khartoum.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda militariga ahi ay xaddiday ku hadalka teleefoonnada iyo adeegga internet-ka iyadoo ay jiraan baaqyo ku saabsan isu soo baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo afgambigii ciidamada.

Dhowr buundo oo ku yaal Khartoum ayaa sidoo kale la xiray iyadoo dibadbaxayaasha looga digay in wax rabsho ah ay sameeyaan.

Magaalooyin kale oo dalkaas ku yaal oo ay ka mid tahay Port Sudan, ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay dibadbaxyo.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii boqolaal kun oo mudaharaadayaal ah ay socod ku mareen Khartoum iyagoo dalbanaya in xukunka dib loogu soo celiyo dadka shacabka ah.

Dad kor u dhaafaya 100 qof ayaa toddobaadkii hore ku dhaawacmay iskudhac dhexmaray booliiska iyo dibadbaxayaasha.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post