1272 Views

Xildhibaan Odowaa “Waalidiinta Caruurtooda loo qaaday Eritrea Mucaaradka ma Hurinayo ee Ilmaha hala keeno..

Xildhibaan Odowaa “Waalidiinta Caruurtooda loo qaaday  Eritrea Mucaaradka ma Hurinayo ee Ilmaha hala keeno..
____________________________________________________________________________

June 15 2021

Xili maalmo ka hor ay sheegtay Dowlada Somaliya ee Waqtigeeda dhamaaday in Banaanbaxayda lagu dalbanayo Caruurta ku maqan dalka Eritrea, ee ka dhacaya Muqdisho ay gadaal ka Hurinayaan ayaa waxaa arintaas ka hadlay Mucaaradka oo arintaas beeniyay.

 Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah xubnaha mucaaridka ah ayaa si adag uga jawaabay eedeyn ay dhawaan u jeedisay dowladda federaalka, taasi oo ay kula xiriirisay kacdoonka waalidiinta caruurtooda looga qaaday askarnimada dalka Eritrea.

 “Dowladan waxaa laga bartay inaysan hadlin ama inay si kheyru mas’uul u hadasho hooyooyin ooynaayo in la yiraahdo mucaarad baa soo abaabulay ceyb bay ku tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

Sidoo kale waxa uu ku sheegay Warkii Dubbe mid  lala yaabo oo lagu qoslo Waxa uu ku dhaliilay madaxda saree ee dowladda inay ku caan baxday inaysan ka hadlin dhibaatada ay sababtay oo ay kamid tahay Askarta ay u qaaday Eritrea.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post