1527 Views

Gobolka Banaadir oo shaaciyay Natiijada Imtaxaanka Fasalka 8aad

Gobolka Banaadir oo shaaciyay Natiijada Imtaxaanka Fasalka 8aad
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaga qeybgalay Munaasabad lagu soo Bandhigaayay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad Dugsiyada Gobolka Banaadir ee sanad dugsiyeedka 2020-2021.
Imtixaanka Shahaadiga fasalka 8-aad ee sanadkaan ayaa waxaa u fariistay Arday gaareysa 25,885 iyadoona lagu galay 72 Xarumood oo hoos yimaada Gobolka Banaadir.

Wadarta guud ee Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir ee gudubtay ayaa waxaa lagu sheegay 24,198 oo isugu jira  10,275 Dumar ah iyo 13,923 Rag ah, waxaana dhacay Gobolka Banaadir sanadkan 1,687 Arday.
Sidoo kale Agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa soo badnhigay 13-ka Arday ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee Sanad Dugsiyeedka 2020-2021.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa Hambalyo iyo Boogaadin u diray dhamaan ardeydii u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee Sanad Dugsiyeedka 2020-2021, Asigoona ardeyda gudubtay iyo kuwa Hartayba ku Amaanay dadaalka ay muujiyeen. Waxa uuna kula dar-daarmay in lagu dadaalo Waxbarashada si Bulshada u noqdaan kuwo aqoon leh oo jahliga la dagaalama.
Waa Sanadkii labaad oo xriir ah oo Maamulka Gobolka Banaadir uu qaaday Imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir ee Caasimada dalka Soomaaliya tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post