1284 Views

Soomaaliya oo lagu taageeray 21 million oo doollar

Soomaaliya oo lagu taageeray 21 million oo doollar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 13, 2019 –Dowladda Denmarka ayaa kaga dhawaaqday Magaaalda Washington ee dalka Mareykanka in ay dowladda Soomaaliya ay ku taageerayso dhaqaalle dhan  21 million oo dollar oo loogu tala galay in wax looga qabto Xaalada Soomaaliya.

Dowladda Denmark ayaa sheegtay in lacagtaan loogu tala galay in wax looga qabto Abaaraha ,Kaabayeyaasha dhaqaallaha iyo Ammaanka Soomaaliya.

Safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya Mette Knudsen sheegtay in Soomaaliya ay horumo wanaagsan ka sameysay dhanka dhaqaallaha,islamarkaana loo baahan yahay in dalalka Caalamka ay ka cafiyaan deymaha ay ku leeyihiin.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hirgelisay qorshe dib-u-habeeyn dhaqaale iyo mid hay’adeedba oo waqti dheer ah. Kaalmadan cusubi waxay ujeeddadeedu tahay sidii loo taageeri lahaa hay’ado wax ku ool taas oo ah dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo hoos u dhaca saboolnimada” ayay tiri Mette Knudsen

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment