708 Views

Tobanaan ruux oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Nigeria

Tobanaan ruux oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Nigeria
____________________________________________________________________________

Aaxd: May 29, 2022

Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhintay todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday kaniisad ku taal koonfurta Nigeria magaalada Port Harcourt, sida uu sheegay booliisku.

Boqolaal qof oo isugu soo baxay inay cunto ka helaan kaniisada subaxnimadii sabtida ayaa ka soo buux dhaafiyay albaabka, taas oo sababtay is jiid jiid, afhayeenka bilayska ee gobolka Rivers ayaa sidaasi sheegay.

“Dad baa hore u joogay, qaarna waa ay ka samri waayeen oo waxay bilaabeen inay degdegaan, taas oo keentay in la is buurto Bilaysku waxa uu joogaa goobta oo la socda xaaladda inta uu baaritaanka socdo,” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post