732 Views

Gabadh caan ka aheyd TikTok oo lagu xukumay saddex sano oo xarig ah

Gabadh caan ka aheyd TikTok oo lagu xukumay saddex sano oo xarig ah
____________________________________________________________________________

Talaado: April 19, 2022

Xiddig caanka ka ah barta TikTok oo u dhalatay dalka Masar ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah kadib markii ay maxkamad ku taalla Masar ay ku heshay dambi ku saabsan tahriibinta dadka.

Haneen Hosam ayaa lagu eedeeyay inay taageerayaasheeda ku casuuntay inay soo duubaan muuqaallo toos ah si ay lacag ugu beddesho

Waxay beenisay eedeymaha loo soo jeediyay.

Dadka u dooda arrimaha xuquuqul insaanka ee Masar ayaa sheegay in dacwadda lagu soo oogay gabdhan ay qeyb ka yihiin howlgallada ka dhanka ah haweenka saameynta ku leh baraha bulshada.

Haneen oo ah ardayad wax ka barata Jaamacadda Qaahira, ayaa barteeda TikTok waxaa ku xiran in ka badan 900,000 qof iyadoo soo bandhigeysay muuqaallo ku saabsan heesaha iyo qoob ka ciyaarka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post