786 Views

Sacuudiga oo ka walaacsan tallaabo ay qaaday Israel

Sacuudiga oo ka walaacsan tallaabo ay qaaday Israel
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November18, 2020 –
Wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa “walaa qoto dheer” ka muujisay tallaabo ay qaaday Israel oo deegaano hor leh ay uga sameyneyso magaalada Qudus.

Mas’uuliyiinta Israel ayaa ku casuumay qandaraaslayaasha inay u tartamaan dhismaha 1,257 guri oo cusub oo laga sameynayo meel u dhow Bariga Qudus.

Sacuudiga ayaa tallaabadan ku qeexay mid jebineysa qaraarada caalamiga ah.

“Wasaaradda waxay xaqiijineysaa in boqortooyada Sacuudiga ay cambaareyneyso islamarkaana diidan tahay tallaabadan, oo jebineysa qaraarada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda.

Israel ayaa Axaddii u dhaqaaqday qorshe deegaameyn ah, taasi oo lagu qeexay mid la dedejinayo, kahor inta uusan maamulka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ee Joe Biden uusan talada la wareegin, ayada oo laga cabsi qabo inuu ka hor-yimaado.

Dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain, iyo Sudan ayaa horraantii sanadkan heshiisyo ay xiriir diblomaasiyadeed kula yeelanayaan la galay Israel.

Riyadh ayaa ogolaatay xiriirada Imaaraadka iyo Bahrain, hase yeeshee waxay ka gaabsatay inay taageerto, ayada oo tusmeysay inaysan diyaar u ahayn inay qaado tallaabo ceynkaas ah.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post