1296 Views

Wanllaweyn oo goor dhawayd lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa

Wanllaweyn oo goor dhawayd  lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa
____________________________________________________________________________

 April 24-2021

Wararka ka imaanaya caawa Magaalada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in goor dhawayd oo caawa ah afurkii kadib lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, kadib markii lagu Hoyga uu ka dagan yahay magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in afurkii kadib ay Koox ku hubeysan Bambaanooyin ay ku weerareen  hooyga uu guddoomiyihii Leego ka deganaa degmada Wanllaweyn.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in uu halkaas  ku geeriyooday Gudoomiyaha  iyo laba askari, halka dhaawacyo kalena ay jiraan.

Sidoo kale Illaa hadda ma jirto cid la shaaciyey in loo soo qabtay weerarkaas, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post