2388 Views

Taliska AMISOM ee Soomaaliya oo sheegay inay ku adagtahay la-dagaalanka Al-Shabaab

Taliska AMISOM ee Soomaaliya oo sheegay inay ku adagtahay la-dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2, 2018 – Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, G/sare Richard Nyabuti Omwega oo Suxufiyiinta kula hadlay Hotel ku yaalla magaalladda Muqdisho, waxa u utilmaamay inay Awoodii Alshabaab hoos u dhigeen, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sii raaciyey inay weli cabsi ku hayaan Ammaanka Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay Alshabaab isticmaalaan miinooyinka IEDs iyo inay geystaan Weeraro, isla markaana ay caqabad weyn noqdeen, tan iyo markii ay ku dhex milmeen dadka rayidka.

Afhayeenka waxa uu carrabka ku dhuftay inay AMISOM ku adag tahay sidii ay Alshabaab.kula dagaalami lahaayeen

Dhinaca kale, Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, G/sare Richard Nyabuti Omwega waxa uu ka hadlay Qorshaha Daad-gureynta Ciiddanka AMISOM,  wuxuuna xusay in Dowlad kasta oo ay Ciiddamo ka joogaan Somalia looga baahan yahay inay tirada Ciiddankooda yareeyaan sannadka 2021-ka, xilligaasi  oo Ciiddanka AMISOM si kama-dambays ah looga daad-gureyn doono Somalia.

Waxa uu tilmaamay in Xilli-hawleedka AMISOM dhamaan doono sannadka 2021-ka, sida ku cad Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee uu tirsigiisu ahaa 2372.

Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, G/sare Richard Nyabuti Omwega waxa uu xusay in 1,000 ka mdi Askarta AMISOM la dhimi doono bisha October ee soo socota, iyadoo horey bishii December ee sannadkii hore kun Askari laga dhimay  Ciiddanka AMISOM

Ugu dambayntii, waxa uu Afhayeenka sheegay inay 21,000 oo Askari haatan hoos tagaan Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ka kala socda dalalka Djibouti, Ethiopia, Uganda, Kenya iyo Burundi iyo shaqaale kale oo ka kala yimid dalalka Masar, Nigeria, Ghna, Zimbabwe, SIERRA Leone iyo kuwo kale.

.

 Isha:-New Vision, Ug

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment