1431 Views

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dadkii Shalay Lagu Laayay Deegaanka Lafoole

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dadkii Shalay Lagu Laayay Deegaanka Lafoole
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 26, 2019 –Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan looga hadlaayay 9-kii ruux ee shalay lagu laayay deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose  ku yeeshay Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Maxamed Cabdi (Ameeriko) iyo Taliyeyaasha Ciidanka Soomaaliya.

Dadkaasi la laayay ayaa howlo nadaafadeed waxa ay ka sameeynayeen wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan dhinaca deegaanka Lafoole ee Shabeellaha Hoose.

Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho Taliyaha hoggaanka Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliska Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa waxa uu sheegay in dadkaasi ay dhammaantood ahaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan isla markaana haatan ay socdaan baaritaano xoogan oo la xiriira dhacdadaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Janeraal Bariise in dadka arintaasi gaystay ay yihiin kuwa dhibaatada ku haayo umadda Soomaaliyed.

Shalay barqadii ayaa rag hubeysan waxa ay deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen 9 ruux oo shacab ahaa,kuwaasi oo howlo nadaafadeed ka waday halkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment