834 Views

Guddoomiyihii Magaalo caan ah oo maydkiisa la helay

Guddoomiyihii Magaalo caan ah oo maydkiisa la helay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 10  2020–Booliska koofurta Kuuriya ayaa helay maydka duqii caasimadda dalkaasi ee Seoul oo la waysanaa tan iyo khamiistii aynu ka soo gudubnay.

Guddoomiyaha maydkiisa la helay oo lagu magacaabi jiray Park Won-soon’ ayaa gabar uu dhalay waxaa ay u sheegtay booliska in ka hor inta aanu guriga ka bixin uu ku dhaafay fariin taas oo sare u qaaday su’aalo iska waydiinta sababta iyo shakiga la xiriira in muddo la waysanaa .

Maydkiisa ayaa laga helay Mount Bugak oo ku taala waqooyiga magaalada Seoul,una dhow meel lagu ogaada wicitaanka telefoonkiisa lagu ogaaday in uu joogay markii ugu dambeysay oo xiriir lala sameyay .

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashadiisa .

Waxaa jira warar sheegaya in haweeney ka mid ah shaqaalihiisa ay dacawd ka dhan ah Mr Park isla markaana la xiriirta xadgudub dhinaca galmada ah ay ka gudbisay ka hor inta aan la waayin meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Ma uusan soo xaadirin shaqada Khamiista, isaga oo baajiyay kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska madaxweynaha .

Sarkaal booliis ah oo lagu magacaabo Lee Byeong-seok ayaa u sheegay wariyeyaasha in gudoomiye Park ay ku arkeen kaamirada amniga meel u dhow albaabka laga galo aagg caan ku ah alwaaxda uu dhow magaalada Seoul.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post