1191 Views

Golaha deegaanka Wajeer oo u codeeyay xilka qaadista barasaabka Gobolkaas

Golaha deegaanka Wajeer oo u codeeyay xilka qaadista barasaabka Gobolkaas
____________________________________________________________________________

April 27-2021

Golaha deegaanka ee Wajeer ayaa u codeeyay in xilka laga qaado barasaab Maxamed Cabdi Maxamuud, kaasoo ay ku eedeeyeen ku takri fal awoodeed iyo musuq-maasuq.

Sodon iyo todobo xubnood ayaa u codeeyay in xilka laga qaado halka tobanna ay diideen.

Afhayeenka golaha deegaanka Wajeer Ibraahim Axmed Yacquub ayaa la filayaa in si rasmi ah uu codeynta xilka ka qaadista ugu gudbiyo afhayeenka golaha senate-ka Kenya, Ken Lusaka.

Senate-ka ayaa iska leh go’aanka u dambeeya ee xilka qaadista.

Barasaab Maxamed Cabdi ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post