1254 Views

SAWIRO:-Itoobiya oo deeq waxbarasho siisay Shaqaale katirsan DFS

SAWIRO:-Itoobiya oo deeq waxbarasho siisay Shaqaale katirsan DFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 03, -2019 —Munaasabad kooban oo lagu sagootinayay 22 arday oo ka kala socotay hay’adaha kala duwan ee dowladda oo deeq waxbarasho ka heley Dalka Itoobiya gaar ahan jaamacadda shaqalaha dowladda itoobiya 2019/2020.

 

Munaasabadda ardayda lagu sagootinayay Waxaa ka qeyb-galay Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir, mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Safiirka Ethiopia ee soomaaliya Amb. Jamaludin Mustafa iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

 

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf ayaa sheegay in dowladda Itoobiya aya diyaar u tahay kordhinta deeqaha waxbarasho ay siiso ardayda Soomaaliyeed.

 

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada  C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir,ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya deeqdan waxbarasho ay siiso ardayda Soomaaliyeed.

 

“Waxaan maanta xaflad sagootin ah u samaynay qaar ka tirsan Shaqaalaha Dowladda oo Deeq waxbarsho ka helay Dalka Ethiopia gaarin ahaan jaamacadda shaqalaha dowladda itoobiya 2019/2020.

 

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta sare XFS,mar walba waxa ay ahmiyadda Koabaad siineysaa Horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment