573 Views

Shaqooyinka Hortebinta Leh Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Laga Shiray

Shaqooyinka Hortebinta Leh Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Laga Shiray
____________________________________________________________________________

 Talaado: AUGUST 16, 2022

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda mudane Maxamed Cali Maxamuud iyo Wasiiru dowlaha Mudane Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa maanta shir xog iswaydaarsi iyo isbarasho ah la yeeshay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime waaxeedyada & la taliyeyaasha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta DFS.

Ugu horayntii Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa la wadaagay agaasimeyaasha in la dar-dargaliyo shaqada Wasaaradda oo laga dhaqaajiyo halka ay maraso hadda. dhammaan agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayuu faray in waax kasta ay la wadaagto shaqada ay qabato halka ay maraso, waxyaabihii u qabsoomay iyo waxa u dhiman.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda ayaa bogaadiyey S/G Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay in loo baahanyahay waqti dheeraad ah oo waax kasta ay kusoo bandhigto shaqada ay qabato isla markaana la diyaariyo saddex berri oo is-arag ah Madax Wasaaradda, Agaasimeyaasha iyo Hawl wadeenada.

Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada & la taliyeyaasha Wasaaradda ayaa soodhoweeyey, waxaana lagu balamay shirka is-aragga ah ee Madaxda Wasaaradda, Agaasimeyaasha iyo Hawl wadeenada.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post