303 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Danjiraha Mareykanka oo ka wada hadlay arimaha amniga & abaaraha Hirshabeelle

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Danjiraha Mareykanka oo ka wada hadlay arimaha amniga & abaaraha Hirshabeelle
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 15, 2022

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry André.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan amniga, howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee socda deegaanada Hirshabeelle.

Sidoo kulan labada masuul waxaa looga hadlay gurmadka abaaraha iyo kor u qaadida mashaariicda horumarinta ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo weli ku sugan magaalada Muqdisho halkaas uu kaga qeyb galay Shirkii Golaha wadatashiga qaran ayaa wada kulamo uu la qaadanayo madax iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post