1485 Views

Rooble iyo Farmaajo oo uga mahad Celiyay C/casis Laftagareen dadaalkii Heshiiska caawa iyo Qoor Qoor oo la soo qaadin.

Rooble iyo Farmaajo oo uga mahad Celiyay C/casis Laftagareen dadaalkii Heshiiska caawa  iyo Qoor Qoor oo la soo qaadin.
____________________________________________________________________________

khamiis: October 21, 2021

Heshiiskii ay wada gaareen Madaxweyne Maxaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa loogu mahad Celiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casis Laftagareen , waxaana la magacaabin Madaxweynaha Galmudug oo Qeyb ka ahaa Heshiiskaas markii la bilaabayay.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka muuqda inuu tanaasulay Ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ogolaaday in meesha laga saaro taliyihii hay’adda NISA ee uu magacaabay, oo aheyd xudunta khilaafka labada mas’uul.

Sidoo kale soo hadal qaadida C/casis Laftagareen ayaa dhabar jab ku ah Qoor Qoor oo mudo muqdisho u fadhiyay in la heshiisiiyo Rooble iyo Farmaajo, waxaana lagu cadeeyay war Saxaafadeedkii ka soo baxay caawa  ama loogu mahad Celiyay oo kaliya C/casis Laftagareen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post