282 Views

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 27, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireen ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale ka wada hadleen sidii dowladda Qatar uga qeyb qaadan lahayd dadaallada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka madaxweynaha iyo amiirka Qatar ayaa kusoo aaday labo maalin kadib markii dowladda Soomaaliya ay sagootisay safiirkii Qatar ee Soomaaliya, Xasan Bin Xamsa Haashim.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post