1500 Views

Madaxweyne Farmaajo oo xilka qaadis & Magacaabis sameeyay

Madaxweyne Farmaajo oo xilka qaadis & Magacaabis sameeyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 24. 2020–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilkii la qaaday Taliyihii Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir,isaga oo u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa loogu magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyeyaasha xilalka loo kala wareejiyay la wadaagay kalsoonida uu ku qabo howl gudashadooda iyo in ay yihiin saraakiil sii xoojinaya kaalintooda ku aaddan dadaallada dib u dhiska ciidanka, waxa uuna u rajeeyey in Eebe uu u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtooyinka Madaxweynaha oo salka ku haya dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta Ciidamada Qalabka sida ayaa soo baxday Talaado, taariikhduna ay ku beegnayd 23ka, Juun 2020, waxa ayna ku dhaqan gelayaan faafinta rasmiga ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post