882 Views

WHO oo sheegtay in sannadkan dad badani Korona ugu dhiman doonaan Yurub

WHO oo sheegtay in sannadkan dad badani Korona ugu dhiman doonaan Yurub
____________________________________________________________________________


isniin: August 30, 2021

Agaasimaha xafiiska Yurub ee hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegay in in ragaadka barnaamijyada talaalka fayraska korona iyo korodhka xaddiga uu ku fidayaa ay yihiin arin walaac abuuraysa.

Hans Kluge ayaa saadaaliyey in qaaradda Yurub ay ugu dhiman doonaan fayraska in ka badan laba boqol iyo sodon kun oo qof marka la gaadho bisha Diisember ee sannadkan.

Waxa uu sidoo kale difaacay qorsheyaasha ah talaalka ee dadka qaarkood markii saddexaad la siinayo si loo xoojiyo kuwii hore ee ay qaateen, waxaanu sheegay in ay mar saddexaadkaasi yahay mid lagu doonayo in dadka nugul lagu difaaco.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post