1290 Views

Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan oo ka hadlay Qaraxii caawa

Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan oo ka hadlay Qaraxii  caawa
____________________________________________________________________________

5-  Marso, 2021

Taliska booliska soomaaliya ayaa goordhow ka hadlay qaraxa ismiidaaminta ee caawa lagu qaaday Maqaayada Luul Yemeni oo ku taala degmada Xamar Jabjab ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Duudishe oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda la hadlay ayaa sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay, inkastoo uusan sheegin tirada dadka wax ka soo gaaray qaraxa.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in ay dumeen guryo ku yaala goobta uu qaraxa ka dhacay.

Halkan hoose oa akhriso qoraalka.

Qarax gaari loo adeegsaday ayay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab caawa ku qarxisay maqaayadda Luul Yemeni ee ku taala degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh isla markaana ay dumeen guryo maqaayadda ka ag dhawaa hadana uu socdo gurmad loo fidinayo dadkii shacabka ahaa ee cadawgu dhibaateeye.

Faah faahinta falkaa cadawgu geystay oo baaritaan aan ku hayno dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa” ayuu yiri afayeenka Booliska.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post