888 Views

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo shaacisay dad hor leh oo laga helay Cudurka Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo shaacisay dad hor leh oo laga helay Cudurka Covid-19
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay dad hor leh oo laga Cudurka Covid-19, kuwaasi oo baaritaano Caafimaad lagu sameeyay, kadibna laga helay xanuunka.

Warbixinta maalinlaha ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayey ku sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 1,671 qof, isla markaana laga helay 245 ruux oo kamid ah dadkaas.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in saacadihii la soo dhaafay Cudurka ay Somaliland ugu dhinteen 8 ruux iyo Puntland oo 3 qof, kuwaasi oo ahaa dad uu horey ugu dhacay xanuunka, waxaana ka bogsaday 107.

Tirada guud ee Cudurka Covid-19 laga diiwaan-geliyay gudaha Soomaaliya aya gaartay 13,324 qof, isla markaana waxaa ka bogsatay 5,518, halka ay u dhinteen 678 , sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post