1281 Views

Dowladda oo u fasaxday Dowlad goboleedyada lacagtii deeqaha Caalamka

Dowladda oo u fasaxday Dowlad goboleedyada lacagtii deeqaha Caalamka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 22-2019 —Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maamul Goboleedyada ka jira  dalka iyo Gobolkan Banaadir  waxaa ay u fasaxday lacag ka mid ah deeqaha Caalamka oo uu ku deeqay Soomaaliya gaar ahaan Midowga Yurub taas oo gaareysa lix milyan oo dollar.

 

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in lacagtaan ay tahay deeqaha Caalamka ugu talo galay Soomaaliya,isla markaana maamul walba loo dirayo min Hal Milyan oo dollar.

 

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir laga doonayo in lacagtaan Halka Milyan ah ay inta ugu badan ee ama laba meelood ay u isticmaalaan dhinaca Amniga iyo Arrimaha Bulshada inta soo hartana Go’aankeeda ay iyaga leeyihiin.

 

Ugu dambeyn Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loogu baaqay inay soo gudbiyaan warqad codsi ah oo ku aadan sida loo isticmaalayo lacagta loogu deeqay,isla markaana ay heystaan mudo 45 Cisho ah.

Hoos Ka Akhriso Warqada kazoo baxday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment