591 Views

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo kulan la qaatay Madaxweynihii hore shekh shariif

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo kulan la qaatay Madaxweynihii hore shekh shariif
____________________________________________________________________________

isniin: October 18, 2021

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya haatana ah musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

 Kulanka oo ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed waxaa diirada lagu soo saaray Arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen sidii wanaagsaneyd ee uu hogaamiyay doorashadii xubnaha Aqalka sare ku matalaya Dowladda Hirshabeelle, oo u dhacday si daahfuran.

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka mid ah deegaanada ay ka dhici doonaan doorashada XIldhibaanada Golaha Shacabka iyadoo dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Jowhar xarunta Hirshabelle doorashada xubnaha Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post