480 Views

Guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado oo xilka la wareegay

Guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado oo xilka la wareegay
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 11, 2022

Munaasabad ey goobjoog ka ahayeen Wasiiro ka tirsan Galmudug, taliska booliska Cadaado, Guddoomiyaha degmada Baxdo, Golaha degaanka Degmada Cadaado, qaar katirsan golaha degaanka degmada Galkacyo, Maamulka cusub iyo maamulkii hore ee xilka wareejiyay oo ka dhacday Xarunta degmada Cadaado ayuu Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug xilalka ugu kala wareejiyay Gadduumiyaha cusub Faarax Diiriye iyo guddoomiyihii hore Cabdullahi Cabdiraxmaan Tootole.

Inta ey socotay xafladaan xilwareejinta ah ayuu Xoghayaha Degmada Cadaado waxuu aqriyay qoraal lagu soo koobay shaqaalaha degmada Cadaado qalabka degmada iyo dhulalka danta guud intaas kadibna guddoomiyihii hore ee Cadaado Cabdulahi Cabdirahman Tootole ayaa si rasmi ah xafiiska degmada ugu wareejiyay Maamulka cusub.

Faarax Diiriye Warsame guddoomiyaha cusub ee Degmada Cadaado ayaa dhankiisa uga mahad celiyay guddoomiyihii hore sidaa qurxoon oo uu ugu wareejiyay shaqada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post