1281 Views

C/raxmaan C/shakuur “Hadii Madaxweynaha damac kaga jirin muddo kororsi, waa in qodobka 56aad laga saaraa…”

C/raxmaan C/shakuur “Hadii Madaxweynaha damac kaga jirin muddo kororsi, waa in qodobka 56aad laga saaraa…”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 16, 2019–Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in aanay diyaar u aheyn muddo kororsi dowladdiisa sameyso, xilli ay soo baxayeen hadal heyno ku aadan inuu doonayo muddo kordhin

 

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in si loo aamino hadalka Madaxweynaha loo baahan yahay in laga saaro qodobka 56aad ee sharciga doorashooyinka oo ka hadlaya muddo kordhinta, haddii doorashada waqtigeeda ku dhici weydo ama duruufo kale jiraan.

 

“Madaxweynuhu wuu ku mahadsanyahay in uu shacabka Soomaaliyeed u balan qaaday in uusan muddo kororsi damac kaga jirin, maalina uu ku darsan doonin mudo xileedkiisa sharciga ah. Si loo aamino, shacabkuna u rumeeyo, madaxweynaha sharciga doorashada ee xukuumadiisu ansixisay ha ka saaro qodobka 56aad ee muddo kordhinta ka hadlaya”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

 

Sharciga Doorashooyinka oo dhowaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada ayaa ka dhashay doodo adag, iyadoo ay ka soo horjeesteen qaar ka mid ah Maamul goboleedyada oo ku tilmaamay in sharcigaas uu ka hor imaanayo Dastuurka.

 

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in loo gudbiyo, si ay uga doodaan una meel mariyaan, waxaana haddii Baarlamaanka uu ansixiyo uu Madaxweynaha ku soo saarataa digreeto sharci ah, si loo dhaqan geliyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment