2259 Views

Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland Oo Amar Siiyay Ciidamo Loo Diyaariyay Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab

Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland Oo Amar Siiyay Ciidamo Loo Diyaariyay Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 30, 2018 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goor hore oo saaka ah kormeer ku tagay qaar kamid ah Xarumaha Ciidamada Nabadsugida Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa Askarta iyo Sarakiisha uu halkaas kula kulmay ku booriyay in ay laban laaban dadaalkooda iyo u diyaar garoowgooda howlgalada socda ee la isugu furayo Magaalooyinka xorta ah kuwa maqana dib loogu xoraynayo.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood ahaan aad u liitaan oo aysan hor istaagi karin Ciidamada howlgalada bilaabay loona baahan yahay in la sii xoojiyo oo si dardar leh loo wado.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Shacabka wali ku jira gacanta Al-shabaab ay hiil uga baahan yihiin lana joogo wakhtigii xoriyada looso celin lahaa ayna ku noolan lahayeen nolol aan cabsi lahayn.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment