258 Views

Cali Jayte oo Balanqaad Cajiib ah u sameeyey Rag Ka Tirsan Kooxda Alshabaab

Cali Jayte oo Balanqaad Cajiib ah u sameeyey Rag Ka Tirsan Kooxda Alshabaab
____________________________________________________________________________

 Axad: December 18, 2022

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo maanta fagaare kula hadlay boqolaal ciidanka dib u xoreynta deegaanka ah ee ka aas-aasan gobolka Hiiraan ayaa mar kale balan qaaday abaalmarin uu siinayo qofkii soo dila qof Shabaab ah.

Balan-qaadkaan cusub ayaa quseeya xubnaha Shabaab ku jira, isagoo sheegay in qofkii Shabaab ah oo qof kale oo Shabaab ah soo dila uu siinayo 10 ilaa 30 kun oo dollar, isla markaana la cafi doono.

Sidoo kale Cali Jeyte ayaa xubnaha Shabaab ku jira ka balan-qaaday hadii ay soo dilaan horjoogayaashooda inuu lacag badan siinayo, cafisna ay dowladdu sii doonto.

“Dadku waxay isweydiinayaan Cali Jeyte inuu lacagtaan ku hayaa? Anigu been ma aqaan, Cali Dheere iyo wax lamid ah hadaa soo dishaan 30 kun ayaan idin siinayaa, madaxweynaha ayaa sidoo kale idin cafi doona,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ku faanay in wiilashiisa ay dhinacooda uga jiraan halganka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, isagoo ciidanka ku adkeeyey in kooxdaas ay deg deg dalka uga xoreeyaan, si looga badbaado dhagartooda.

“Anigu dagaalka ayaan ku jiraa kolonyo aan dhalay ayaa sidoo kale dagaalka ku jirta oo ciidanka ka tirsan, weligiin ma maqasheen Cali Dheere wiilkiisa meel uu ka dagaalamayo? Dhiiga dadkeena ayey ka beec-mushtaraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aduunka meeshii uu dalbado la geyn doono qofkii soo dila Cali Dheere ama sarkaal kale oo Shabaab ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post