909 Views

Siciid Deni “khasaare waa dhacay maxaabiista qeyb kamid ah wey ku guuleystaan inay ka fakiyaan Xabsiga

Siciid Deni  “khasaare waa dhacay maxaabiista qeyb kamid ah wey ku guuleystaan inay ka fakiyaan Xabsiga
____________________________________________________________________________

6da Maarso, 2021:

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in khasaare uu ka dhashay weerarkii lagu qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

“Dabcan khasaare waa dhacay maxaabiista qeyb kamid ah wey ku guuleystaan inay ka fakiyaan..waxaas Ilaahey mahaddiis ah in falkii dhacay lala sugin inta uu waaggu ka baryaayo oo laha daba tagay in badana laga soo qabtay qaar badana ay halkaas ku dhinteen”

Deni ayaa intaas ku daray in uu socdo howlgal lagu soo afjaryo weerarka isla markaana ay si buuxda uga warbixin doonaan marka lasoo gabagabeeyo.

Sidoo kale Siciid Deni ayaa hadalkan sheegay xilli maanta uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso halkaas oo ay ciidamada ka wadaan howlgallo kadib weerarka Shabaab ay ku qaadeen xabsiga.

Dagaalkan ayaa daba socday weerar ay xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post