822 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtey

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isniin  , March 2, , 2020 —Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar ugu maqnaa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

 

Guddoomiyaha inta uu joogay Magaalada Jabuuti waxa ka qeybgalay kulan lagu furayay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, wuxuuna  khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Dalka Jabuuti, isagoo si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimada iyo wax wada qabsiga ku dhisan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti gaar ahaan iskaashiga labada Baarlamaan.

 

 

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment