1002 Views

Golaha Aqalka sare oo Maanta ansixiyey Sharci muhiim ah

Golaha Aqalka sare oo Maanta ansixiyey Sharci muhiim ah
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | QOL | December  04- 2019–Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 21 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed.

 

Sidoo kale waxaa goob joog ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad,waxaana ajandaha kulanka Maanta uu ahaa Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka.

 

 

 

Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Deeqa Xassan Xuseen ayaa Golaha Ka-hor akhrisay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka oo sheegtay soo jeeddinada sentarada.

 

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.

 

Golaha Aqalka sare aya ansixiyeY,Iyaga oo marsiiyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka,waxaama Ogaalada 32 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majirin.

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment