1098 Views

Sida uu u Saameeyey Soomaaliya Dagaalka Kasocda Ukrain

Sida uu u Saameeyey Soomaaliya Dagaalka Kasocda Ukrain
____________________________________________________________________________


khamiis: March 10, 2022

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka Ukraine ka socda uu saameyn ballaaran ku yeeshay ka jawaabidda abaaraha Soomaaliya, iyadoo ka digtay in ay soo food saartay dhaqaale la’aan naafaysa, si wax looga qabto abaarta jirta.

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in xasaradaha ka jira Ukraine ay qaateen dhammaan taageerada caalamku ugu talo galay dalalka kale oo ay Soomaaliya qayb ka tahay, maadaama ay haatan la daala dhaceyso abaaro baahsan.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in dhibaatada abaareed ee ka jirta dalka ay saameeysay illaa 4.5 milyan oo qof, oo ah ku dhawaad ​​30% tirada dadka Soomaaliyeed.

Adam Abdelmoula oo ah xiriiriyaha bini’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in loo baahan yahay $1.46 bilyan oo u dhiganta (1.23 bilyan oo Yuuro), si loogu daboolo baahiyaha Soomaalida

Office Nairtobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post