3813 Views

Dowlada Somaaliya waa in ay u dirtaa Digniin Dowlada Kenya.

____________________________________________________________________________

May 17, 2017

 

Dowlada Somaaliya waa in ay u dirtaa Digniin Culus Dowlada Kenya.

Horaa looyiri “Gudin yahay ima goyseen, hadaan gobalkay kugu jireen”

Sida lawada ogyahay,  Xildhibano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ku shiraya Magaalada Nairobi, iyagoo abuuraya dhibaatooyin lagu Carqaladeenayo Geedi socodka  Nabada iyo Midnimada umada Somaaliyeed.

Hadaba, waxaa mudan in la iswaydiiyo, Xildhibaanadan maxaa ka maqan? Shirkani maxay ugu qaban waayeen Dalka Gudahiisa?, hadii looga hadlayo Danta umada Somaaliyeed, waayo Shirarkan lagu qabanayo wadamada dariska la ah Somaaliya, waxay horseed u yihiin Bur burinta Somaaliya iyo Abuurista xasilooni darada ka jirta Somaaliya.

Si kastaba, Dowlada Somaaliya waa in ay u dirtaa Fariin Culus Dowlada Kenya, iyadoo loo sheegayo in ay  joojiso Faragelinta dadban ee ay ku hayso Dalka iyo Dadka Somaaliyeed, waxaana  mamnuuca ah in ay u ogolaato dalkeeka Xildhibaano ka tirsan Dowlada Somaaliya oo Abaabulaya  Shirar  lagu Bur burinayo hurumarka iyo dib u dhiska Somaaliya.

Dowlada Kenya waa in ay si Sharci ah u joojisaa in dalkeeda lagu qabto Shirar lagu bur burinayo Midnimada umada Somaliya, iyadoo ilaalinayso Xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo Heshiisyada Caalamiga ah, oo sida la ogyahay ay Waajib tahay in dalba dalka dariska la ah  in uu Xaqdhowro, kana fogaado wixii  Carqaladaynaya ama xadgudub ku ah Xasiloonida iyo kala dambaynta Dalkaas.

Dowlada Kenya waa in ay siisaa Digniin Sharci ah Shaqsiyaadka Qaswadayaasha ah ee raba in ay bur buriyaan Dowlada Cusub, waana in loo sheegaa in ay shirarka ku qabsadaan Dalkooda Gudahiisa, hadii ay ka Shirayaan wixii Dan u ah Dadkooda iyo Dalkooda.

 

Ugu dambayn, Dowlada Somaaliya waa in ay si Sharci ah u mamnuucdaa Shirarka lagu qabanayo wadamada Shisheeye iyo dalka gudahiisa ee lagu carqaladaynayo hurumarka iyo nabada umada Somaaliyeed.

Qofkasta ee Somaali ah, waa waajib in uu ilaaliyo Danaha umada iyo Dalka, kana fogaado wixii dhib ku ah nabada iyo kala dambaynta, Mucaaradnimadu ma aha in lagu xad gudbo Sharciga Dalka iyo Xuquuqda dadka, Mucaaradka waa in wax TOOSIYAA ee maha in uu Qaranka Dumiyaa, sida aan og nahay dhibaatada aan ku jirno manta, waxaa laga dhaxlay Dagaaladii sokeeye ee aan laga Fiirsan.

waxaana Xaqiiq ah, Shaqsi kasta ee abaabula Shirar looga soo horjeedo Dowlada isagoo jooga Dal Shisheeye, waxaa hubaal ah in ay yihiin Shaqsiyaad la shaqeeya Cadowga umada Somaaliyeed, waana dambi ka mid ah, dambiyada Xeerarka Ciqaabta Somaaliyeed.

Dowlada, waxaan kula dardaarmayaa in ay ka fogaato, wixii dhalin kara dhibaatooyin lagu bur burin karo horu socodka Dowlada, waxna u dhimi kara kalsoonida shacabka, waayo kalsoonida Shacabka waa Furaha horu marka Dowlada iyo Nabada.

Halku dhigeenu waa “daryelow dadaal, dumiyow nadaa”

 

W/Q Cumar  Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment